Tan iyo September-tii sanadkii hore markii uu wargeeyska jyllander-posten
uu soo daabacay sawir gacmeedyo lagu aflagaadeeynayo nabi maxamad (S.C.W) waxaa isa soo tarayay carada muslimiinta dunida
eey ka muujinayeen falalkaas iyaga oo aan u kala harin shacab iyo xukuumad. Caradaas ayaa waxa eey gaartay meeshii ugu sareeysay
Labadii todobaad ee aan soo dhaafnay. Dhoowr doowladood ayaa safiiradooda u yeertay, waxa laqaadacay badeecooyinka Denmark,
isla markaasna waxa eey muslimiinta bilaabeen banaanbaxyo aad u balaaran oo looga soo horjeedo falalkaas guracan .
Waxa uusan shaki ku jirin in xuriyad kasta eey leedahay xuduud, xuriyadaadu waxa eey ku egtahay meesha eey ka bilaabaneeyso
xuriyada iyo xuquuqda qofka kale, in kasta oo saxaafada wadamadaan reer galbeedka eey tahay mid xur ah oo madax banaan hadana
waxa jiro xeerar hoosaadyo la isku ogyahay oo ku saleeysan dhaqanka, caadada, iyo dookha bulshada oo eey saxaafadu ilaaliso
kana reebo in eey ku xadgudubto muqadasaadka iyo shucuurta bulshooyinka kala duwan ee dunida.
Carada muslimiinta eey ka muujiyeen sawiradaan waa mid sharci ah oo la fahmi karo laakiin hadana waxa xusid mudan in carada
qudheedu eey leedahay xuduud. Waxaa wax laga xumaada ah in dibadbaxyadii rabshada la,aanta ahaa oo eey muslimiinta doonayeen
in eey ku cabiraan dareenkooda uu markii danbe dhaafay xadkiisii isaga oo isku badalay rabshado geeystay dhimasho, dhaawac
iyo in dab la qabadsiiyo safaaradahii Denmark eey ku laheeyd wadamada islaamka qaarkood.
Sababta ugu weeyn ee banaanbaxyadaas ka weeciyay hadafkoodii waxa uu ahaa iyada oo eey kooxo ajandooyin siyaasadeed oo qarsoon
wato eey ku soo dhax dhuunteen dadkii banaanbaxa sameeynayay iyaga oo u arkay dhacdadaan in eey tahay fursad qaali ah oo eey
ooga faa’iideeysan karaan ujeedooyinkooda guracan. tusaale waxa ku filan dibdbaxii ka dhacay Jimcihii magaaladaan London
oo eey kooxahaas wateen boorar xumbaarsanaa naceeyb iyo hanjabaad aan loo baahneeyn.
Dibadbaxyadaan rabshadaha watay ayaa waxa eey meelkadhac weeyn ku ahaayeen karaamada nabiga iyo diinta islaamka, waxa eeyna
maslaxad weeyn u aheeyd kuwa neceb islaamka. Hadii sawirada wargeeyska Jyllader eey ku xadgudbeen maqaamka sare ee Rasuulka
falalka kooxahaan ayaa waxa uu xadgudub ku ahaa maqaamka rasuulka iyo risaaladiisa labadaba.
Afxumadaan lala beegsanyo maqaamka nabigeena ma aha mid hada bilaabatay. Qureeshtii Maka ayaa waxa eey ugu yiiri jiriin
Saaxir, Majnuun, Shaacir, Kaahin iyo magacyo kale oo aad u xun hase yeeshee Qur,aanka isga oo isticmaalaya usluub ku dhisan
dood wanaag, caqli iyo qancin ayuu difaacay maqaamka nabiga isaga oo ka fogeeyay dhamaan waxa yaabaha xunxun oo eey ku sheegeen
kuwa uu xiqdiga dilooday. Qof kasta oo aqoon yar u leh siirada nabiga waxa uu ogyahay dulqaadkii badnaa ee nabigeena iyo sida
uu mar kasta isaga cafin jiray kuwa cuqdeeysan ee maqaamkiisa wax ka sheega.
Waxa aad ii cajabiyay jawaabtii golaha Muslimiinta France eey ka bixiyeen sawirada kartoonka. Golaha waxa uu go,aansaday
in maalintii Jimcaha ee aan soo dhaafnay loogu magac daro “Maalinta Jaceeylka” isla markaana khudbadaha Jimcada
loo gaaryeelo Siiradii suubaneeyd ee nabigeena. Sidoo kale jawaabtaas mid la mid ah waxaa qaatay muslimiinta ku nool Roomeeniya
oo iyagu soo saaray buugaag yaryar iyo cajaladooyin fara badan oo eey dadka reer Roomeeniya ugu sharxayeen risaalada islaamka
iyo taariikh nololeedkii nabi Muxamed (C.W)
Ugu danbeeyn Hadii muslimiinta Jimcihii hore eey ugu magac dareen maalintii carada waxa haboon in jimcadaan eey ugu magac
daraan “maalintii jaceeylka” sida eey horaba u sameeyeeen golaha Muslimiinta France iyo Muslimiinta Roomeeniya,
isla markaana dhacdadaan eey noqoto munaasabad lagu soo bandhigo akhlaaqdii sareeysay ee nabigeena iyo waliba mabaadi,dii
waaweeyneed ee uu u soo halgamay, iyada oo waliba bulshooyinka dunida oo dhan loo sharxayo shakhsiyada weeyn ee nabigeena
iyo macnaha eey u taagantahay risaaladiisa oo ah naxariis, cadaalada, sinnaan, jaceeyl, karaamada iyo xuquuqda aadanaha