BURBURKA URURKA AL-ITIXAAD
Ururka Al-Itixaad waxaa la aasaasay 1967kii, waxaana xilligaa lagu magacaabi jirey Al-Ahal, guddoomiyaha ururkaasi Cabdulqaadir
Sheekh Maxamuud markuu bilowgii toddobaatameeyadii uu la goostay koox la magac baxday (Attakfiir), dib u habeyn ururka lagu
sameeyey dabadeed waxa ay isku magacaabeen xubnaha ururka ku haray (Assalafiya) taasoo macnaha ay u jeedaan ay tahay inay
ku dhaqmayaan tubtii Nabi Maxamed (S.C.W) & Asxaabtiisii. 1984kii waxaa midoobay "Salafiyada Waqooyi" & "Salafiyada
koonfureed" waxayna isku magacaabeen "Al-Itixaad". Ururkan dhammaan waa uu burburay waxaana jira oo qura magaciisa.
Intii uu jiray waxaa ka go’ay kooxo badan
1) Attkafiir - Cabdiqaadir Sheekh Maxamuud, Guddoomiye
2) Al-Islaax – Garyare, Guddoomiye
3) Ansaara Sunnah – Xasan Calasow, Guddoomiye
4) Aala Sheekh – Sheekh Maxamed Macallin (Allaha u naxariistee), Guddoomiye
5) Mustaqilliin – Cabdullaahi Lakari, Guddoomiye
6) Salafiya Jadiida – Abtidoon, Guddoomiye
Ururadatan qaar wey baaba’een, qaarna jiritaan aan macna laheyn ayey jiraan, inkastoo guddoomiyayaashooda ay isbedeleen
oo guddoomiyeyaal cusub ay yeesheen.
Kala googo’an waxa ugu wacan oo qura madaxtinnimo iyo xoolo jacayl, taasoo keentay anshax xumo, ka been sheegidda
Islaamka, qabyaalad, iyo faragelin shisheeye. Dagaalkii Khaliijka markuu billowday culimadii dalka Sacuudiga waxay u qaybsameen
laba qeybood oo kala ah:
1- kuwa xukuumadda Sucuudiga ku taageersan fariissimada ay siisay ciidamada Reer Galbeedka (Salafiyada cusub).
2- Kuwo kasoo horjeeday mawqifka xukuumadda (Salafiyadii hore).
Inta badan xubnaha ururka Al-itixaad ee beesha Hawiye waxay raaceen Salafiyada Cusub, Inta badan xubnaha ururka Al-itixaad
ee beelaha Daarood waxay raaceen Salafiyada hore, waxaa taa ugu wacan qolo kasta waxay u dhaqaaqday meesha ay isleedahay dhaqaale
ayaad ka heleysaan.
Wuxuu ururkani waayey kalsoonidii mujtamaca Soomaaliyeed, ka dib markuu mujtamacu arkay dhagarta, khiyaamada, xaasidnimada
& dhaqan xumida ururkan iyo xubnihiisa. Sidaa aawadeed waxaan halkan kaga hadleynaa hadduu Alle idmo inaanu soo koobno
dhaqan xumida ururkaasi u burburay (1967kii – 2001) , ayadoo dadka qaarkii ay aaminsan yihiin inuu jiritaanka ururkan
uusan soo gaarin sanadka 2000.
Eebbe wuxuu yiri :(Xumbadu wey baaba’aysaa, waxaase haraya waxa dadka anfacaya oo dhulka ku nagaanaya). Suuradda
Arracdi (17).
Waxa qura ee hadda muuqdaa kuwo dhaqaale ku kasbaday hab samafal intii ay dagaallada sokeeye socdeen, kuwaasoo sameystay
xawaalado iyo goobo ganacsi, Mana doonayaan iney xasillooni iyo nabad ay ka dhacdo dalka Soomaliya. Inta badan waxay ka shaqeeyaan
fidno abuur, sababtoo ah waa dagaal ka ganacsadayaal (Tujaarul Xarbi).
Intuusan islaamku gaarin magaalada Madiina ayuu Islaamku soo gaaray Soomaaliya, ka dib markii qaar ka mid ah Asxaabta Rasuulka
(SCW) ay Geeska Afrika u soo qaxeen sida Jacfar Bin Abii Daalib, tan iyo waagaas Ummadda Soomaaliyeed waxay ahayd Ummad Islaam
ah, Mad-habtii ugu soo horreysay ee dalka soo gaadhay waxay ahayd Mad-habta Xanafiyada, waxaa ka danbeeyey oo cammimey dalka
oo idil Mad-habta Shaaficiyada oo ilaa iyo maanta looga dhaqmo dalka Soomaaliya. Ururka Al-itixaad ayaa damcay inay dalka
ka hirgeliyaan Mad-habta Axmad Binu-Xambal oo ay lacag ku qaateen , laakiin Ummadda Soomaaliyeed wey aqbali weyday waxaan
Shaaficiyo ahayn. Ayadoo culimada dalka ay yaraayeen ayey ummadda Soomaaliyeed dhaqankeeda ahaa inta badan dhaqan Islaam,
waxayna ummaddu ahayd ummad xishoota oo uu Alle u barakeeyey culimadooda tirada yar.
Waxaa toddobaatameeyadii soo baxay kumanaan qof oo xubno ka ah ururka Al-itixaad oo sheegtay inay Culimo yihiin, balse
ay ka maran tahay akhlaaqda Islaamka, dhawrsanaatii Culimada iyo xishoodkii lagu yiqiinnay Ummadda Soomaaliyeed, kuwaasoo
u dhaqma sidii iyagoo wax islaam ah inay dalka ugu horreeyeen oo ay iyagu dalka iyo dadka Soomaaliyeed diinta Islaamka soo
gaarsiiyeen, sida markuu millateri inqilaab sameeyo oo uu u qariyo guulihii xukuumadihii ka horreeyey ayey iyaguna u inkiraan
doorka ay culimadii hore ee Soomaaliya ku lahaayeen fidinta diinta Islaamka taasoo ah mid khilaafsan shareecada Islaamka iyadoo
Eebbe kitaabkiisa ku yiri "kuwa yimaada gadaashood waxay oronayaan Eebbow noo dambi dhaaf innaga iyo walaalahayaga ee iimaanka
inooga horreeyey, Eebbow ha gelinin
quluubtannada xaasidnimo & cuqdad loo qaado (kuwii naga horeeyey), adigaa ah mid turid oo naxariista" Alxashri ( 10).
Waxay la diriraan culimadii hore "Shaaficiyada" inta maanta nool iyo kooxaha kale ee Islaamka, sida Tabliiqa IWM. Waxay
sheegteen inay iyagu yihiin 73kii Nabigu(S.C.W) sheegay inay ummaddiisu u qaybsameyso, halkii qayb ee uu Nabigu yiri iyada
uun baa ka badbaadeysa, taasoo ahayd midda ku dhaqanta Tubta Nabiga (S.C.W) iyo Asxaabtiisa.
Tani waxay ku dhalisey inay kadshoomaan oo ay gaaleysiiyaan muslimiinta kale oo ay khilaafaan akhlaaqdii wanaagsaneyd ee
Rasuulka (S.C.W) lagu yiqiin, sida tawaaduca, tixgelinta, ixtiraamka iwm. Rasuulka (S.C.W) wuxuu yiri : - "Waxaa la ii soo
saaray inaan dhameystiro akhlaaqda wanaagsan".
Alle (S.W) oo ka waramaya Rasuulka (SCW) dabeecaddiisa wuxuu yiri : "dabeecad (akhlaaq) aad u wanaagsan (weyn) ayaad ku
sugan tahay".Suuradda Nuun (4).
Eebbe wuxuu yiri: "Waxaad ugu jilicsanaatay naxariista xagga Alle kaaga timi, haddii aad ahaan lahayd mid qalbi adag oo
naxariis daran agagaarkaaga wey ka carari lahaayeen." Suuradda Aala-Cimraan (159).
Waxa la ina faray inaan Nabiga (S.C.W) ku dayano, sidaasoo kale ayaa laga doonayaa culimada diinta fidisa.
Itixaadka (keligood muslim) wey khilaafeen dabeecaddaas iyo akhlaaqdaas wanaagsan, waxayna badalkeeda door bideen:
1. Gaaleysiinta ciddaan iyaga raacin.
2. Xaqiraadda iyo quursiga culimadii hore iyo kuwa hadda nool oo aan iyaga ka mid aheyn. Muxaadarooyinka joogtada ah ee
ay wax uga sheegaan culimada sida Tabliiqa, maxaadarooyinka noocaan oo kale ah ee ay muslimiinta ku kala fogeynayaan waxay
u yaqaanniin ( hilfo-qaadis ) si ay ummadda Soomaaliyeed ugu muujiyaan inay kaligood culimo yihiin.
Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa " nin isfaanshay waa Ri’ is nuugtay".
3. Ku jeesjeesidda culimada Islaamka iyagoo ku magacaabo: gaalo, munaafaqiin, khurraafiyiin iwm. Eebe wuxuu yiri "kuwa
Alle iyo rasuul rumeeyow qaarkiin yeysan ku jeesjeesin qaarka kale, waxaa laga yaabaa inay ka kheyr badanyihiin kuwa jeesjeesaya,
dumarkuna yeysan ku jeesjeesin qaarkood qaarka kale, waxa laga yaabaa inay ka kheyr badanyihiin kuwa jeesjeesaya. Ha isugu
yeerina naaneysaha xunxun waxaa baas leh magaca xun, markaad rumeyseen ka dib, kuwa aan ka toobadkeenin arimahaasi waa daalimiin"
-Alxujraat (11). "Kuwa Alle iyo Rasuulka rumeeyow ka fogaada in badan oo male ah, maxaa yeelay malaha qaarkii waa danbi, ha
is jaajuusina, qaarkiin yuusan xamanin qaarka kale, qofkiin miyuu jecel yahay inuu cuno hilibka walaalkii geeriyooday waad
kahaneysaan. Alle ka baqa, Alle waa toobbad aqbale naxariista." Alxujraat (12).
Sidaan hore uga soo warrannay waxay Itixaadku khilaafeen akhlaaqda wanaagsan oo ay labadan aayadood ka waramayaan, buuggana
uguma jirto wax lagu magacaabo
akhlaaq wanaagsan .
4. Xanta muslimiintu waa sahayda Itixaadka marka ay shirayaan, waxa inta badan la xantaa qof ururkooda ka baxay ama koox
culimada ka mid ah, sidaasoo kale ayey yeelaan markey baararka iyo goobaha sheekada ay fadhiyaan:
Eebbe wuxuu yiri :- "markey soo ag maraan wey isu iljebinayaan, markey guryahooda ku laabtaan waxay u laabtaan iyagoo sidii
furutadii (miraha macaan) oo kale ugu raaxeysanaya xanta muslimiinta". Suuradda Mudafifiin (30,31).
5. Xasadnimada, cuqdada, iskudirka muslimiinta iyo in fidno la dhex dhigo waxay ka mid yihiin siyaasadda Itixaadka.
6. Ballan ma leh Itixaadka : "Ballan la’aantuna waa diin la’aan".
Habka ay ula diriraan qofka ka baxa ururkooda
Qofka ka baxa ururka Al-itixaad, waxay xubnaha ururku ku qaadaan dagaal, kaasoo uu go’aamiyo hoggaanka sare, lana
gaarsiiyo fariinta dagaalka dhammaan xubnaha ururka ee ku kala nool gobollada dalka iyo waddamada dibadda. Waxaa qofkaasi
laga faafiyaa dacaayado sharafkiisa wax u dhima, sida waa Zaani, tuug, jaajuus iwm. Waxayna aaminsan yihiin qofka ka baxa
inuu diinta Islaamka ka baxay, taa weeye midda u sahlaysa inay qof muslim ah xantaan, hadday u suuro geli karto inay shirqool
ku dilaan, wey isku deyeyaan sidaasoo ayey dad badan ku dileen ama hanti uu leeyahay dhacaan, goob shaqo uu ka shaqeeyo sidii
looga cayrin lahaa wey isku deyayaan oo xarig ka xirma ma jiro, si ay ugu cadaadiyaan inuu ururka dib ugu soo laabto, qofka
ka baxay ma dhahaan wuu naga baxay, xubnaha ururka been ayey uu sheegaan oo waxay ku yiraahdaan innaga ayaa cayrinay.
Qofka ururka ka baxa waxay hoggaamiyayaasha ururka ugu gooddiyaan markuu istiqaalada keeno waa ku dileynaa ama dacaayad
ayaan kaa faafineynaa ilaa aad ka waalato ama aan diinta kaa fidneyno oo aad noqoto ciyaala suuq aan waxba ka dhowrsan.
Hadduu qofkaasi yahay xaasle gurigiisa ayaa waxay u diraan xilliyada barqadii, oo ah xilliyada dadku ay shaqooyinka ku
maqan yihiin – dumar xijaaban & dhallinyaro garar dhaadheer si ay xaaska qofkaasi u marsiiyaan in ninkeeda gaal
yahay oo ay habboon tahay inay iska furto, markuu ninka duhurkii soo qado doonto wuxuu yimaadaa guriga oo aan ahayn siduu
saakay kaga tagey ee wuxuu la kulmaa isbedel & colaad ugu danbeyn keenta inuu qoysku burburo, been abuurka kama xishoodaan
markey qof ama koox la dirirayaan, dhaqanka wanaagsan wuu dhibaa sida dooshaanku u geeriyoodo oo kale marka barfuun la ursiiyo.
Jabhadaha Soomaaliyeed waxay kala saaxiibaan qolada ugu anshax xun oo xasuuqa, dhaca iyo kufsiga banneysata.
Nooc ka mid ah dagaalka ay ku qadaan dadka aan iyaga ka tirsaneyn.
Tusaale ku saabsan sida ay fidmo u dhex dhigaan laba isqabta ama markaa doonaya iney is guursadaan: Shiino waa nin dhalinyaro
ah oo ka qalin jabiyey Kulliyadda Waxbarashada Lafoole waaxda Juqraafiga iyo Taariikhda sanaddii 1989-kii, wuxuu degenaa xaafadda
Kaasabalbalaare-Muqdisho, wuxuu xubin ka ahaa ururka Al-islaax. 1990kii bilowgiisii wuxuu damcay inuu guursado gabar xijaaban
oo ay isla xaafaddaasi (Kaasabalbalaare) degganeyd. Koox Itixaadka ka tirsan ayaa arkey inuu Shiino si joogta ah u booqdo
guriga gabadha uu doonayo inuu guursado, dabadeed waxay go’aansadeen iney gabadha & isaga fidno dhexdhigaan sidaa
aawadeed waxay nin iyaga ka mid ah u direen gabadhii, waxaa ninkaasi u suurta gashay inuu la kulmo gabadhii wuxuuna ku yiri:
"Ukhtii fillaahi waxaan kuugu imid inaan kaaga nasteexeeyo inaad Shiino guursato", Shiino waa munaafaq, waa Islaax, waa gaal."
Gabadhu waxay ahayd gabadh aad u caqli badan, daacad ayeyna u ahayd Shiino, waxay Itixaadkii ku tiri: "Akhii fillaahi waad
mahad santahay, hadda firaaqo ma hayo ee waxaan kaa doonayaa inaad berito 3:30 galabnimo ii timaado". Shiino ayey fariin u
fartay waxayna ku tiri arin culus ayaan kuu hayaa ee berito 3:00 galabnimo ha ka soo daba marin. Shiino xilligii loo qabtay
ayuu yimid, dabadeed kursi iyo koob shaah ayaa qolalka guriga qol ka mid ah loo dhigey meel albaabka xigta, waxaana lagula
dardaarmay inuu dhageysto uusan jawaabin, caradiisana xakameeyo. Dabadeed waxa yimi ninkii Itixaadka ahaa, isna kursi &
koob shaah ayey u dhigtay isla albaabka u dhaxeeya barsadda & qolka dhanka bersadda iyaduna waxay fariisatay meel ka soo
horjeedda Itixaadkii, isaga iyo Shiino daaha ayuun baa u dhaxeeya, waxeyna kii Itixaadka ku tiri: "Akhii fillaahi hadda ayaan
firaaqa kuu hayaa ee Shiino iiga warran?". Itixaadkii oo aan wax dareen ah qabin ayaa yiri: "Shiino waa gaal, waa munaafaq,
waa Islaax, sidaa aawadeed waxaan kaaga digayaa inaad guursato ninkaasi." Gabadhii ayaa ugu jawaabtay: "Akhii fillaahi waad
mahadsan tahay, nasteexadaadana waan qaatay".
Itixaadkii markuu baxay ayey gabadhii qaadday daahii u dhaxeeyey isaga iyo Shiino, deedna ku tiri sow dhagahaaga kuma aadan
maqleyn wuxuu hebel igu yiri, sidaa ayey u dhibaan dhallinyarada dooneysa iney gabdho xijaaban guursadaan, haddeyan Itixaad
ka mid ahayn.
Xiriirka ay la leeyihiin jawaasiista dalalka ku lug leh burburka Soomaaliya:
Dagaalkii Puntland Juun 1992kii korneel Al-Qaa’idi oo ka mid ahaa jawaasiista Sacuudiga oo maamulayey hey’adda
gargaarka Sacuudiga qeybta Soomaaliya ee xarunteedu ahayd Jabuuti & Usaama Bin Laadin oo markaasi Khartuum fadhigiisu
ahaa, ayaa kharashka loogu diyaar garoobay dagaalkaasi bixiyey. 5th May 1992kii waxaan kula kulmay - 3 xubin oo uu ka ahaa
Mijir C/qaadir Sheekh Maxamuud garoonka diyaaradaha ee Khartuum Caasimadda Suudaan, waxay soo qaateen taksi dabadeed waxay
aadeen xaafadda Riyaad ee uu Bin Laadin degenaa halkaasi ayey ka soo qaateen amarkii & kharashkii kama dambeyska ahaa
ee dagaalkaasi ay ku galeen.
Dagaallada Killinka 5aad
Sidaasoo kale ayey Jawaasiista Sacuudiga ay uga dambeeyaan dagaallada ka socda Killinka 5aad/Itoobiya, sababtuna waxa weeye
sida uu qoray buuggii wasiirkii hore ee Batroolka Sacuudiga Zaki Al-yamaani: "Haddii la qodo shidaalka ku jira Yaman, Suudaan,
Soomaaliya, Itoobiya IWM inuu shidaalka Sucuudiga guurayo".
Maaddaama shidaalka Killinka 5aad la bilaabay hawlihiisa, jawaasiista Sacuudiga - oo horey uga dhistay masjid iyo gegi-diyaaradeed
laba goobood oo ku yaala magaalada xeebta ee Boorta Suudaan ka dib markay ku ogaadeen inay halkaasi ku yaalliin labo ceel
oo shidaal -ayagoo soo labistey shaarar culimo iyo samo falayaal ayey ku dhiirigeliyeen Itixaadka inay haboon tahay iney la
diriraan Itoobiya si looga xoreeyo Killinka 5aad, maadaama Itoobiyaanku yihiin Kirishtaan, madaxda Itixaadka ee hoggaamisa
dagaalladaasi waxay ubadkooda dejiyeen dalal shisheeye, ayadoo ay isla markaa dagaal geliyaan dhallinyaro ay khaldeen oo ay
uga sheekeeyeen inay jihaad ku jiraan oo qofkii geeriyooda uu Jannada galayo, ayadoo xaqiiqda dagaalkaas uu yahay "dagaal
dhaqaale" oo ay jawaasiista Sacuudiga ka dambeeyaan. Dhallinyarada dagaalladaasi ku geeriyooda xaasaskooda iyo ubadkooda ku
noolaa Killinka 5aad waxay u soo raraan Raaskiyaanbooni ee koonfur Somaaliya, si mar labaad loogu shaqo tago sawiro ayey ka
qaadaan agoonta & garoobyada si magacooda saddaqo loogu helo, ayadoo dhiigga aabayaashood hore loo iibsaday.
Arxandarrada Itixaadka looga didey
b) Dhacdooyinkii Raaskiyaambooni (1)
Markii magaalada Kismaayo laga soo qaxay 1991kii, markab Talyaani ah oo raashin sidey kuna xirnaa dekedda Kismaayo ayey
Itixaadka soo afduubeen ka dib markii ay USC-da ku jebisey dagaalkii ay Kismaayo ku qabsadeen.
Markabka markuu soo gaaray Raaskiyaambooni ayey ayagoo laashash adeegsanaya kala dageen raashiinkii uu markabku sidey intii
karaankooda ahayd.
Shacabkii soo qaxay oo harraad iyo gaajo la ildarnaa, oo ahaa kuwii raashiinka loo keenay ayey u diideen inay soo galaan
xerada ay ka sameysteen Raaskiyaambooni, keliya waxay u ogolaadeen inay xeradaasi soo galaan dumarka, si ay uga faa’iideystaan
fursaddaasi oo ay u guursadaan.
Carabtu waxay ku maahmaahdaa "Saaxiibka dhabta ah waxaa la gartaa markey dhibaato jirto" waana qofka kula qeybsada dhibka
ku haysta, tani waxay ahayd barashadii ugu horreysay oo ay shacabku bartaan xaasidnimada iyo xumaanta Itixaadka heerka ay
gaarsiisan tahay.
(T) Raaskiyaambooni (2): Mararka qaarkood inta laaluush la siiyo ayey u shaqeeyaan sidii calooshood u shaqeystayaal oo
kale. Tusaale: nin dhallinyaro Soomaaliyeed ah oo dalka Mareykanka deggan oo halkaasi ka sameeyey hay’ad Samafal oo
saacidda dadka ku tabaaloobey dagaallada sokeeyey. Hay’ad Ameerikaan ah (United Methodist Committee On Relief (UMCOR)
oo maalgelin jirtey ayaa xafiis ka furatay magaalada Neyroobi waxayna hay’addu go’aansatay iney Soomaaliya booqdaan
lana xisaabtamaan ciddey u soo dhiibeen deeqda. Markuu ogaaday ninkaasi iney arinta ku xun tahay isagoo lunsaday xoolo fara
badan ayuu u duulay degmada Kismaayo, wuxuuna u gudbay Raaskiyaambooni si uu uga dhaadhiciyo Itixaadka halkaasi deggenaa -
ka dib markuu lacag siiyey ayuu u sheegay iney u imaan doonto haweeney Ameerikaan ah oo la yiraahdo Deena Maria Umbarger oo
ka socota FBI-da hadafkeeduna yahay baaritaan la xiriira xiriirka aad la leedihiin kuwii qarxiyey safaaradaha Mareykanaka
ee Kenya & Tanzaaniya 7dii Agoosto 1998-kii, ee markey timaaddo dila. Xaqiiqduna waxa weeye iney Mrs. Deena ay ka mid
ahayd shaqaalaha United Methodist Committee On Relief (UMCOR.)
Mrs. Deena waxay gaartay Raaskiyaambooni 20/3/99 ayadoo ka soo gudubtay Kiyuunga ee xadka Kenya, iyada iyo dadkii la socday
waxay galeen Bush laga cunteeyo, markey ku fariisteen darmihii wax lagu cunayey, waxaa u soo galay koox hubeysan oo Itixaad
ah (keligood muslim). Nin ka mid ah kooxdaasi oo la yiraahdo Cabduraxmaan kabaweyne ayaa rasaas oodda kaga qaaday Mrs. Deena.
Odayaal meesha fadhiyey ayaa ku soo boodey Kabaweyne oo damcay iney qabtaan, dabadeed waxaa u soo gurmadey jaallayaashiisa
oo uu ka mid ahaa Cabdulmaalik oo rasaas kor u riday, Mrs. Deena dabadeed waxaa loo qaaday oo ay ku geeriyootay Kiyuunga oo
dhanka Kenya ah.
Itaaxadka Raaskiyaambooni oo uu madax u yahay Xasan Cabdalla (Turki) 1995kii waxa ay ku dileen degaankaasi ganacsade Aurtralian
ah oo la oran jiray Devid Moris, ka dib markay lacag laaluush ah ka heleen dal shisheeye oo kula heshiiyey in ay dilkaasi
fuliyaan. Waxaa kale oo ay halkaasi ku qafaasheen markab sidey magaadi oo ay saarnaayeen 20 shaqaale oo badankood Muslimiin
ah ee ku caariyey xeebta Raaskiyaambooni, isaga oo ka soo shiraacday dhanka dekedda Mombaasa. 20kii qof waxa ay ku xireen
siideyntooda 100,000 USD oo madax furasho ah, ka dibna markii ay dhaceen hantidii markabka saarneyd, kaas oo uu lahaa nin
Hindi ah oo Muslim ah. Shacabka degaankaasi lacago badan oo baad ah ayey ka qaataan, iyagoo dhigta isbaarooyin, taas oo ugu
dambeyntii dhalisay in ay isku dhacaan iyaga iyo beel ka mid ah beelaha degaankaasi, dagaalkaasina waxa uu sababay ugu yaraa
dhimasho gaareysa 20 qof.
(J)- Degmada Luuq: Markey Itixaadku (Keligood Muslim) ay gacanta ku hayeen magaalooyin ka trisan Gobolka Gedo sida Luuq,
waxaa halkaasi ka jirey shaqo la’aan sababtay macluul ayadoo isla markaa ay Itixaadku kaalmo ka helayeen hay’adaha
samafalka Sacuudiga. Kaalmada raashinka loo keeno waxay siin jireen oo qura qoysaska Itixaadka ku biira, inta badan dadweynuhu
wey diideen in la isku xiro kaalmo siinta iyo ka mid noqoshada Itixaadka, waxayna door bideen intey Itixaad (keligood Muslim)
noqon lahaayeen iney caleenta geedaha cunaan markey gaajoodaan. Xubnaha Itixaadku waxay ahaayeen kuwo u buurbuuran sidii doofaarrada
iyo wiyisha oo kale, dadkii ay u diideen kaalmadii loogu soo dhiibey waxay noqdeen kuwo laf iyo maqaar ah gaajo & macluul
aawadeed.
Askartii Sucuudiga ee ka tirsaneyd ciidammadii UNISOM waxay geeyeen Luuq raashin, markey damceen iney raashiinkii u qeybiyaan
dadweynaha, Itixaadka ayaa yiri annaga nagu wareejiya si aan u qeybineyno, ayadoo arintu sidaa tahay ayaa markuu gabalku dhacay
ciidamadii Sucuudigu waxay hareereeyeen magaalada, dabadeed raashiin nooc kasta leh iyo dhar qeyb qeyb isugu xiran ayey dhigeen
guri kastoo ka tirsan guryaha magaalada, Itixaadku waxay soo tooseen ayadoo qoys kasta uu dharagsan yahay, dabadeed waxay
magaalada ku arkeen askari Sucuudi ah oo sigaar cabbaya, qori ayey ku qabteen waxayna ku yiraahdeen sigaarka demi, isagoo
isku halleynaya askarta Sucuudiga ah ee saaxiibbadii ayuu ku yiri "lacnatullaahi calaykum, sigaar ayaad ka hadleysaan idinkuna
dhiigga dadka ayaa jaqeysaan".
J) Muqdisho: Hanti samafal oo fara badan ayaa soo galay Itixaaka (Keligood Muslim), si xun ayey ugu tasarufeen oo waxay
ka sameysteen bakhaaro & ganacsi, waxay wax tarayeen oo qura ciddii iyaga ku biirta. Qofkii kale ee iyaga u yimaada waxay
ku oranayeen adiga gar ma lihid, haddey dumar tahay waxey ku oranayeen caariyaad (qaawan) baad tahay.
Sida badan aadanaha khasab wax kuma qaataan, laakiin naseexada iyo isu dhimrinta wax bay ku qaataan.
Ku tumashada Xuquuqda Dumarka
Markey billowdeen dagaalladii sokeeye ee Soomaaliya 1991kii, oo ay Itixaadku (keligood Muslim) arkeen sharci iyo qaanuun
dawladeed oo ay ka baqaan ayey billaabeen ku tumashada xuquuqda dumarka. Xadgudubkii ugu horreeyey oo ah dumar weli la’aan
la guursado ayey ka bilaabeen xeradii Raaskiyaambooni, ayagoo ay caado u ahayd iney ku dacaayadeeyaan culimada Shaaficiga
dumarka la masaafeysto.
Arrin aan tumasho waxba dhaamin ayey bilaabeen oo ah in gabar kasta 7aad oo qura la qabo dabadeed la furo. Waxaa dhacday
qiyaas ah afar dumar ah inuu halkii Itixaad guursado dabeedna furo bil kasta, taasoo keenta celcelis ah 4x12= 48 gabdhood
inuu guursado furona sannadkii. Taasi niyad jab ayey u keentay gabdhaha Soomaaliyeed.
Itixaadku waa dad caynkee ah
Itixaadka "keligood muslim" waa koox kulansatay tilmaamo kala duwan oo ay ka qaateen kooxaha Islaamka qaar kood, kiristiyanka
& yahuudda & Manaafiqiinta.
Tusaale:
1. Shiicada: waxay uga eg yihiin guurka maalmaha xaddidan "nikaax-ulmutca", tuqyada
oo ah iney sheegtaan waxayan ahayn oo ay isku dayaan inay ummadda ka qariyaan
xaqiiqda dhabta waxa yihiin.
2. Munaafiqiinta :waxay uga eg yihiin ballan la’aanta & beenta badan.
3. Zanaadiqada: waxay uga eg yihiin necaybka ay muslimiinta neceb yihiin, waa
anaaniyiin wax kasta iyagaa isla raba.
4. Khawaarijta: Waxay uga eg yihiin gaaleysiinta Muslimiinta iyo hal Aadaan oo qura
iney aadaamaan Salaadda Jumcaha.
4. Kiristiyaanka :waxay uga eg yihiin in shiikhooda & kooxda diinta la fidisa ay kaga
idin qaataan markey rabaan inay garka iska xiiraan, sida markey isboonsar marayaan
ama teesaraha ama baasaboorka dalka Kiinya ay rabaan inay sameystaan, ayagoo
aaminsan in siiddeynta garka ay waajib tahay. Sidaa aawadeed intayan xiiran ayey
weydiistaan madaxdooda, sidaa oo kale kiristiyaanka ayaa qaba markay dembi galaan
inay culimadooda dambi dhaaf weydiistaan.
5. Yuhuudda: (b)waxay uga eg yihiin inay lacagta waddo kasta xaaraan & xalaal ku
raadiyaan. Hindigii ka dhacay Soomaali fara badan lacag dhan Boqol & toddoba
milyan 99% waxa lahaa Itixaadka "keligood muslim". Ayadoo rasuulku "SCW" uu
sheegay inay ribadu ka kooban tahay 70 darajo oo darajada ugu hooseysa ay la mid
tahay isagoo qofkii sameeyaa uu la mid yahay qof hooyadii ka zineystay.
(t) Iney isku qanciyaan inay yihiin kuwa Alle uu jecelyahay oo keligood ku taagan
tubta xaqa ah sida Yuhuudda iyo Kiristiyaanku u yiraahdeen "waxaannu nahay
wiilasha Alle iyo kuwii uu jeclaa" Suuradda Al-maa’idda (18).
Dhaca xoolaha lagu ammaaneysto waa arin caadi u ah, oo waxba kama xishoondaan; reer miyiga geela ayey kala dhacaan oo ugu
badnaan qiimaha xoolaha ay dhacaan waa qiyaas 12,000 oo doollar, meesha Itixaadka xoolaha ay dhacaan ay u dhaxeyso US$ 500,000
ilaa malaayiin lacag ah. Eebbe wuxuu quraanka inoogu sheegay "Ahlu kitaabka (yahuud & kiristaan) qaarkood in xoolo lagu
aamini karo". Waxaase la yaab leh dadka Islaamka sheeganaya qaarkood oo aan hal shilin lagu aamini karin sida Itixaadka "keligood
muslim" oo kale. Imisa qof ayey ku khaldeen gar dheer & maro gaaban ayagoo xalaalmiirad isaga dhigay, markii xoolahooda
ay ku aamineena yakaha u rogay.
Daroogada wey ka ganacsadaan , tusaale: 1996kii waxaa gegida diyaaradda Jooma-Kiinyaata ee Neyroobi lagu qabtay nin Itixaad
ah oo masjidka 6th street ee xaafadda Islii safka hore ku tukan jirey oo lahaa gar dheer iyo surwaal gaaban, boorsadiisa ayey
baareen saraakiisha socdaalka ee dalka Kiinya markey ka shakiyeen baasaboorkiisa oo ay ku dhufsaneyd bixid iyo gelid toddobaad
kasta, wuxuu isku deyey inuu wajigiisa ka qariyo weriyayaasha, laakiin sawir qaadayaasha wey ka gaarsiiyeen intuusan wejiga
daboolan, waxaa hadda ku nool Neyroobi koox kale oo Itixaad ah oo maandooriyayaalka ka ganacsada.
Qaar badan oo Itixaadka ka tirsan wey qayilaan sida ay noo sheegeen kiyoosooyinka qaadka iibiya oo yiri waa rukun, guryahooda
ayaan ugu geynaa.
Nin saaxiibkey ah oo booqday hoteellada Islii mid ka mid ah wuxuu ii sheegay inuu si lama filaan ah ku galay qol ay ku
jireen dumar iyo nin gar dheer oo qayilayey, ninkaasi oo Shiikh looga yaqaan Islii (Neyroobi) oo caan ka ah 6 street , markaan
soo galay ayuu damcay isagoo naxsan inuu qoryihii qaadka ee cankiisa ka buurnaa uu liqo, markaasuu ku margadey, gabdhihii
uu la geerasheynayey mid ka mid ah ayaa tiri armuu nagu dhintaa oo qaan naloo qabsadaa?! Saaxiibkey baa ku yiri haddaad Alle
ka baqi weyday aniga ha iga baqin ee qoryaha iska tuf.
Nin u shaqeeya WFP wuxuu noo sheegay markuu ka shaqeenayey magaalada Luuq xilligii ay gacanta ku hayeen Itixaadka inay
madaxdooda degaankaasi ay in badan isla qayileen, waxayna ii sheegeen buu yiri:- waxaan diidan nahay oo qura in meelaha fagaaraha
lagu cuno.
6 - Dawladda keligii taliyhii: waxay uga eg yihiin in ummadda lagala diriro dhaqanka suuban oo lagu dhexbeero isimo ciyaala
suuq ah oo ay ku shaqeysan karaan, lama arag isimo xawaalad ka shaqeeya iyaga ka hor, waxay isku dayaan inay dadka ku dirqiyaan
dhaqan xummidooda ayadoo Eebbe uu qur’aanka inoogu sheegay:- "Diinta la isku dirqinmaayo" – Suuradda Albaqara
(256). Eebbe, kitaab ayuu soo dejiyey, caqli ayuu siiyey dadka, dabadeed Rasuul ayuu u soo diray, xurriyad ay ku kala doortaan
raacista xaqa iyo baadilka ayuu siiyey, sidaa aawadeed qofka waxa uu la yimaado ayaa dharaarta qiyaamo lagu abaal mariyaa,
soo doqonnimo ma aha dadkuu Eebbe xurriyaddaasi siiyey in lagu khasbo dhaqan xun oo islaamka ka fog, oo lagu yiraahdo haddaad
ururkayaga aad ka baxdo dacaayad ayaan kaa faafineynaa ilaa aad ka waalato ama aad diinta ka tagtid. Waxaa isweydiin leh yaa
hanuunka iyo baadinimada haya? Yaase caafimaadka iyo cudurka haya? Soo Alle weyne ma aha, ciddii sheegatana iney sidaasi sameyn
karto soo mushrik ma aha? Haddaba Itixaad (keligood muslim) intey ka gelayaan shirkiga ay dhex dabaalanayaan.
Sheekh Ibnu Athiir oo qarnigii Lixaad noolaa, ahaana qoraa Taariikhda Islaamka wax ka qora wuxuu ku sheegay kitaabkiisa
la yiraahdo (Al-kaamil) isagoo ka warramayey dhallinyaro heysatay Mad- habta Xanbaliyada ayaa soo galay Masjid ay ku tukanayeen
dad shaaficiyiin ah xilli salaad subaxeed, markey arkeen iney qunuudayaan sida shaaficiyada qabto ayey la sugeen intey ka
sujuudaan, markey sujuudda ku hubsadeen ayey burar ay siteen madaxa kaga garaaceen dadkii tukanayey. Sababta dadkaasi loo
dilay waxa weeye oo qura maxay u qunuudeen, Sheekh Ibnu Athiir wuxuu ku magacaabey "Qooqaa’iyatul Xanaabila" oo macnaheedu
yahay " cayaala suuqa xanaabilada".
Waa sidaasee cayaala suuqa xanaabilada Soomaaliya "Itixaadka" waxay banneysteen dhiigga Islaamka oo shacab & culimo
badan ayey ku laayeen gobollada dalka Soomaaliya sida Punt- land oo ku dileen ilaa 1000 qof, Killinka 5aad & Gedo tiro
xaddidan kama heyno, laakin dhowr culimo ayeynu ka magacaabeynaa sida: Macallin Xuseen Aadan (Mandheera), Sheekh Cabdulqaadir
Guure, Sheekh Bile Shuuke (Ceelwaaq), Macallin Diiriye (Buurdhuubo) oo dugsiyo badan kiciyey oo arday badanna Qur’aanka
baray. Leynta culimada Ah-la sunnaha la laayo waxey ka qaateen " Shiica Faadhimiya" oo Masar ka talin jirtay.
Dhacdooyinka ee ay sameeyeen waxa ka mid ah:-
1. Bishii Diisamber sanadka 2000 waxay ku faraxumeeyeen dugsi quraan oo ku dhexyaal masjidka 8 street ee xaafadda Islii,
Neyroobi wiil yar oo wax ka barta, iyadoo dhacdo tan la mid ah oo ay gabar ku kufsadeen isla dugsigaasi ay dhacday Axad 30kii
Maarso 2001. Falalka khaniisnimada ee ay sameeyaan meela badan ayey ka dhacday, sida xerada Utaanga, Muqdisho, Hargeysa (1995)
IWM. Itaaxdka waa ururka keliya ee loo ogol yahay inay khaniisyada xubin ka noqdaan.
Ayagoo sameeya dambiyo waaweyn sida: dilka muslimiinta, ribo qaadashada, cunidda xoolaha agoonta, kufsiga, ka ganacsiga
darooga, dhaca xoolaha ummadda IWM, ayaa waxay buunbuuniyaan sunnaha sida: marada oo la gaabsado iyo garka oo la daayo, mararka
qaarkood waxay gaarsiiyaan (garka & maro-gaabsiga) inay yihiin labada tiir ee ugu sarreysa tiirarka Islaamka. Waxay arintani
la mid tahay markii reer Ciraaq ay weydiiyeen Cabdullaahi Ibnu Cumar Ibnu khadaab "Haddaan dukhsi Xaramka gudihiisa ku dilno
waa caynkee xoolaha nalaga doonayo inaan gawracno?". Ibnu Cumar wuxuu ugu jawaabay " Waxaa la yaab leh dadkii (reer Ciraaq)
dilay wiilkii (Xuseen Ibnu Cali Bin Abii Daalib) Nabi Maxamed (SCW) uu awoowga u ahaa oo maanta i weydiinaya ganaaxa dukhsi
la dilay waxa uu noqonayo !!!
7. Waa anti social group: Waa koox habka wada noolaashaha bulshada ka soo horjeeda oo iska tagoora bulshada inteeda kale.
8. Marar badan ayey wanaagga dadka farayaan uu sidii malabka oo kale u macaan yahay, ayadoo isla markaa hab dhaqankoodu
u kharaar yahay sidii sibirkii oo kale. Eebbe wuxu yiri "Kuwa Alle iyo Rasuul rumeeyow maxaad u oraneysaa
Waxaydaan faleyn". Suuradda Assaf ( 2).
9. Ninkii khasnajiyaha ka ahaa dekedda Boosaaso 1992kii oo inoo waramey isagoo naga codsadey inaan magaciisa qarinno wuxuu
yiri: Haddaan Itixaad nahay in nalku jabiyo dagaalkii Juun 1992kii ee aan ku qaadnay SSDF waxaa ugu wacnaa dambiga aynu ka
galnay ummadda degaankaas, ayadoo dadka qaarkii gaajo darteed la la’anayeen ayaa waxaa innaga dekadda inoogu keydsanaa
fuustooyin malab iyo subag ay ku jiraan, makhrib kasta waxaan aadi jirey qayil iyo
geerasheyn anigoo isku dhammeeya hal quraarad oo barafuun ah markaan sii
baxayo iyo markaan soo laabanayo 10:00 saac habeennimo. Markuu
dagaalkii billowdayna waxaan la baxsadey 3000 US$.
10).Inkastoo ay cibaado badan yihiin sida salaadaha iyo soonka waajib iyo
sunnaba waxaa intaasoo idil isku fuuqsaday akhlaaq xumidooda, fidnada iyo
dhibaatada ay muslimiinta ku hayaan. Waxaa jira qof ama koox dad ah oo
dharaarta qiyaamo la imanaya cibaado badan iyagoo sita, dabadeed waxaa
dacallada ku dhagaya dadkii ay dileen, xanteen, dhaceen, fidneeyeen,
qoysaskii ay kala fureen, dadkii ay kufsadeen, agoontii ay xoolahooda
cuneen IWM.
Markii cibaadada qofkaasi ama kooxdaasi loo qeybiyo dadkii ka cabanayey,
oo ay cibaadadooda dhammaato, dadka cabanayana ay weli dhooban yihiin,
inta hartay dambiyadooda inta laga soo qaado ayaa dusha laga saarayaa
dabadeed Naarta ayaa la galinayaa. Nabiga (SCW) wuxuu yiri: "Ma waxaa
dadka Naarta wajiwaji ugu rida waxaan ka ahayn waxay carrabyadooda
shaqeysteen" Tarmadi ayaa wariyey.
11) Xoreynta Masaajidda; waa mabda’ ka mid ah mabaadi’da waaweyn ee
Itixaadka, waxaa isweydiin leh yaa laga xoreynayaa? Ma gaalaa haysata?
Maya,
waxaa laga xoreynayaa muslimiinta aan ururka Itixaadka ka mid ahayn.
12) Xiriirinta iyo goynta: Waxay xiriiriyaan Itixaadku (keligood muslim) qofkey isku urur yihiin oo qura, waxay gooyaan
oo aysan xiriirin qofkaan ururkooda ka mid ahayn, xattaa hadduu qaraabo la yahay, ayadoo muslimiinta laga doonayo inay xiriiriyaan
kuwa Alle ka baqa iyo iney gooyaan kuwa sameeya wuxuu Alle ka reebay.
13) Guddoomiyaha ururka Itixaadka (keligood muslim) Maxamuud Ciise isagoo nagula shiraya xaafadda Madiina ee magaalada
Muqdisho 1984kii isagoo duraya culimada Shaaficiyada ee Soomaaliya (Axkaamley) wuxuu soo daliishadey "Haddii aad xaqa ka jeedsataan
wuxuu Alle idinku baddalayaa qoom kale oo aan noqoneyn sidiinna oo kale" Suuratul Muxamed (38). Markaa in muddo ah oo aan
daraasad ku sameeyey dhaqan xumida Itixaadka ayaan gartay aayadda iney iyaga tilmaameyso.
14) Caddaalad darro:- Haddaad is khilaaftaan qof Itixaad ah oo uu idiin garnaqayo qof kale oo Itixaad ah wuxuu garta mar
kastaba siiyaa ka Itixaadka ah isagoo ay u caddahay in lagaa gardaran yahay.
15) Waxay jecel yihiin in lagu amaano wanaag ayan sameeyn.
15) Waxay iftoodaan (ka warramaan) wax aan diinta sal iyo raad toona ku lahayn sida:
16) taygu waa xaaraan, maxaaa yeelay ereyga taay af-Soomaali ma aha iyo Kilintoon ayaa xirtay
17) Waxay ku kadshoomeen xadiiska oranaya: "Iga gaarsiiya xataa aayad ….", tani waxay dhalisay qof caalin ah oo la
yaqaan in masjid uu masuul ka ahaa ay xoog uga qaadaan una dhiibaan qof Itixaad ah oo aqoontiisu liidato, keliya waxa lagu
qiimeeyey gar buu leeyahay maradana wuu gaabsadey, taasoo dhalisa marar badan waxaan sal iyo raad lahayn inuu iftoodo.
18) Waa koox aad u akhlaaq xun, gabayaa carbeed ayaa yiri:
"Jiritaanka Ummaduhu wuxuu ku xiran yahay akhlaaqdooda wanaagsan.
Haddii ay baaba’do akhlaaqdoodu iyaguna wey baaba’aan".
Beytkaan gabeyga ah wuxuu si toos u taabanayaa baaba’a Itixaadka maanta haysta. Eebbe wuxuu yiri "Nabiyow waxaa tiraahdaa
ma idinkaga waramaa kuwa ku khasaaray acmaashooda?!, waxa weeye kuwa ay acmaashoodu ku luntay nolosha adduunyada, iyagoo u
maleynaya inay wanaag sameynayaan". Suurad Alkahfi (104).
19) Qaarkood ma aaminsana dharaarta qiyaamo, tusaale; sannadkii 1989-kii nin ka baxay ururka Itixaadka oo degenaa xaafadda
Madiina/Muqdisho oo ay dabagal ku sameeyeen ayaa raggii loo xilsaaray dabagalkiisa mid ka mid ah oo la yiraahdo Cabdirizaaq
Lafoole ku yiri: "dhibka maad iga deysaan oo aad Alle iyo dharaarta aakhiro ka baqdaan" wuxuu ugu jawaabay C/rizaaq Lafoole
ninkii "Aakhiradaada was". Ninkii oo yaaban ayaa laba tallaabo gadaal u booday isagoo naxsa oo yiri: "Illeyn Itixaadku Aakhiro
ma aaminsana " !!!
Ku xadgudubka Xuquuqda Carruurta:
Sida BBC-da ay sheegtay 2dii Novembar, 2000, 85 caruur ayaa laba wadaad oo (Itixaad) ah ay ka soo kaxeeyeen gobollada Bay
iyo Bakool iyagoo ka qaatay qoyska wiil kasta US $100 doolar, waxayna u sheegeen iney geynayaan Kulleejooyin ku yaal dalka
Yaman oo waxbarasho, jiif iyo cunno leh. Markey dooni ku qaadeen ka dib waxay caruurtii uga carareen xeebaha dalka Yaman,
dabadeed ciidamamda dalka Yaman ayaa caruurtaasi u kaxeeyey xerada qaxootiga ee Aljaxiim. Kooxaha ku xad gudba xuquuqda caruurta
waxa lagu tilmaami jirey iney yihiin: (1) SPLA-da koofurta Suudaan ka dagaallanta. (2) Lord Resistance Army oo ah asal raac
kiristiyaan ah oo la dagaallama dawladda Ugaandha. (3) kooxda Tiri: laga bartaa laga badshey waxay noqotay kooxda Itixaadka
(keligood muslim) oo isku darsday: (b) iney waalidka caruurta ay ka qaataan masruufka laba bilood. (t) iyagoo caruurtii ka
masaafuriyey, dabadeedna bannaan cidla ah kaga dhaqaaqay.
Maxkamadaha Islaamka
Tobankii sano oo ay dagaallada sokeeye socdeen, waxaa degaammo badan oo ka tirsan koonfurta Soomaaliya laga aasaasay maxkamado
lagu magacaabo Maxkamadaha Islaamiga sida Muqdisho, Kismaayo, Marka iwm. Waxa ay maxkamadahaasi fulin jireen ciqaabo la xiriira
dembiyada sida xatooyada, gaabsiga, burcadnimada, dilka iwm. Waxaa ciqaabahaasi lagu fulin jirey sida ka dhacday Muqdisho
iyo Marka in badan dembiilayaasha qabaa’ilka laga tiro badan yahay: sida Hawiya yar-yar, reer Banaadirka, Baraawaha,
Baantuuga iwm.
Tusaale: Sheekh Xasan Daahir Aweys oo ah taliyaha maxkamadda Xariryaale, wuxuu magaalada Muqdisho ku fuliyey gowracidda
laba nin oo reer Baraawe ah oo la yiraahdo Muxyadiin Khadar oo 42 jir ahaa & Maxamed Khaliifa Macallin oo 26 jir ah. Iyada
oo dumarka beeshiisa Cayr ay ku
alaleynayeen fulinta gowricidda labadaas nin ee dhacday 27kii Rajab 1420-(H), oo ku beegneyd billowgii Oktoobar 1996-kii.
Labadaas nin waxay qaraabo la haayeen xaaska uu qabay Xasan Daahir Aweys walaakiis (Cali Daahir Aweys oo gurigiisa isku diley),
Markii la soo qabtay labadaas nin xabsiga gudihiisa ayaa lagu jir-dilay ayadoo lagu khasbay - gurigii ay lahaayeen oo ay seeddigood
u ogolaadeen inuu ku aqal galo – iney qirtaan inu marxuum Cali Daahir ka iibsadey ayna u dileen iney guriga kasoo ceshadaan
darted, arintaasi oo ay beri ka ahaayeen.
Nabiga (SCW) isaga oo ka jawaabaya talo loola yimid oo ahayd inuu cafiyo qof wax xaday oo mutaystay in gacanta laga gooyo;
wuxuu yiri, "Reer Banii Israa’iil waxa ay ciqaabta ku fulin jireen oo qura kuwa taagta daran, hadday Faadumo Bintu Maxamed
(SCW) ay wax xaddo gacanteeda waan goyn lahaa."
Islaamku ma aha oo qura ciqaabo lagu fuliyo kuwa dembiilayaasha ah, ee waa diin ballaaran oo ka warramaysa dhammaan nolosha
aadanaha. Ciqaabta waxaa ka horreeya in dadka laga haqab tiro waxyaalaha ku kallifaya in ay wax dhacaan ama fal gaabsi ah
ay sameeyaan iwm. Si taas loo gaaro waxa uu Islaamku qabaa in dadka loo abuuro shaqooyin ay ka helaan mushaharooyin, lana
baro xirfado ay ku shaqaystaan, iyo in laga shaqeeyo raqiisinta guurka iwm. Markii hawlahaas la qabto ayaa ciqaabta lagu fuliyaa
ciddii xad gudubta.
Xilligii uu taliska Khilaafada Islaamka hayey Amiiral Mu’miniin Cumar Ibnu Khaddaab waxaa dhacday in uu si ku meel
gaar ah mar u joojiyey ciqaabta gacan goynta, waayo abaar xun ayaa dhacday oo dowladdiisii way u suurto geli weyday inay haqab
tirto baahida dadweynaha Muslimiinta ah xilligaasi ay abaartu jirtey.
Haddaba, Maxkamadaha shaarka Islaamka loo huwiyey ee Soomaaliya, waxa ay ahaayeen inta badan kuwo caddaaladda ka fog oo
dano kale laga lahaa sida: xoolo urursi, madaxnimo doon iwm.
Tusaale: Mar ay is qabteen Cali Mahdi Maxamed oo ahaa (Guddoomiyihii hore ee USC/SSA) iyo Sheekh Cali Dheere oo ahaa Guddoomiyihii
Maxkamadaha Islaamiga ee Waqooyiga Muqdisho. Waxa uu Sheekhu ku jawaabey isaga oo BBC-da u warramayey (Anigu waxa aan doonayaa
in aan dadka ka dhex muuqdo Calina taasi ayuu diiddan yahay). Sidaa aawadeed waxa uu Sheekhu caddeeyey in uusan dar Alle u
shaqaneyn oo uu kursi doon ahaa.
Sheekh Cumar Faaruuq, waxa uu isna iftooday Muqdisho (oo tobankii sano ee la soo dhaafay ilaa iyo maantadan ah kawaan aadanaha
lagu gowraco) in ay la mid tahay Xaramka Makka, Cabdulqaasimna uu la mid yahay Nabigii oo Makka ku soo laabtay oo kale.
Waxaa taasi ka sii darrayd wareysi ay wargeysyada Xamar la yeesheen in uu ugu jawaabay, "Xaq dooni meyno, ee waxaan doonaynaa
xal (Baaddil)."
Dhibaatada uu Itixaadku ku hayo Somaliland iyo Puntland
B. Somaliland: Madaxweyne Cigaal intii uu ku mashquulsanaa: aqoonsi u raadinta gooni isu taagga Somaliland, ka hor tagga
xubnaha reer Somaliland ee ka tirsan kooxda Carta iyo xal u helidda gobollada Sool iyo Sanaag. Waxaa fursaddaasi ka faa’iideystay
Itixaadka oo hanti badan ku helay magaca samafal intii ay murugsanayd siyaasadda Soomaaliya, waxeyna ka mid noqdeen dowaladdiisa
iyaga oo jagooyin sar-sare ka haya sida: Taliyaha Ciidammada Somaliland oo ah Janaraalka loo yaqaan (Ina Shaqalle), Xoghayaha
Guud ee Wasaaradda Arrimaha Diinta isna waa Itixaad oo ku guuleystay in uu fidno dhex dhigo Madaxweyne Cigaal iyo Wasiirkiisa
Arrimaha Diinta, ka dib markii idaacadda Hargeysa uu ka sheegay in ay bilatay bishii Soon-fureed lagana arkay dalka Sucuudiga
oo ay berrito ciid tahay, Janawari 2001. Salaaddii ciidda markii la tukaday ayuu sheegay wasiirku inuu is casilay, maaddaama
arimaha dhacaya aan lagala tashan.
Sidaas darteed, xubnihii Itixaadka ee dowladda ku jirey waxay Cigaal ku wargeliyeen in ay is casilaaddani tahay santaaggii
Habar Yoonis. Maxamed Sheekh Cumar Dirir oo isna ka mid ah xubnaha sare ee Itixaadka ugu firfirsoon wuxuu tafsiir ka jeediyaa
idaacadda iyo TV-ga Somaliland.
Doorashada soo socota waxay Itixaadku rabaan inay soo sharxaan duqii hore ee magaalada Hargeysa oo Habar Awal ah isna xigaan
Madaxweyne Cigaal. Beesha degta Burco (Habar Jecelo) iyadu waa laba qaybood (1) Qaybta hawdka degta Itixaad shuqul kuma leh
(2) Qaybta ganacsatada ah ee aasaastay suuqa Yaroowe 99% waa Itixaad marka laga reebo ganacsadaha caanka ah ee loo yaqaan
Indha Deero. Sida Puntland oo kale Itixaadku waxay halkaas ka abuureen Isimo (Cuqaal) ama Nabaddoonno ay ku shaqaystaan.
T. Puntland: Shir ay Itixaadku yeesheen waxay ku heshiiyeen haddii Madaxweynaha dowalad Goboleedka Puntland (Cabdullaahi
Yuusuf Axmed) dib loo magacaabo 1-da Luuliyo 2001, in ay qaadi doonaan tallaabooyinka soo socda:
1. In ay diidaan canshuur bixinta, iyaga oo taas u aaneeyey "inay yihiin gancsatada deegaanka Puntland ugu badan.
2. In jiljilib dadka loo abaabulo.
3. In ay Yaman hub ka doontaan.
4. In ay jid gooyo sameeyaan.
5. In ay shirqool ku dilaan dadka udub dhexaadka u ah maamulka Puntland (Rayad iyo ciidanba).
6. In qabaa’ilka maamulka raacsan la iska hor keeno.
7. Iyada oo arrimaha ay soo sheegeen taageero uga haystaan Itixaadka dibadaha jooga iyo ururrada argarxisada sida kan Bin
Laadin uu hoggaamiyo.
Geba-gebo
Haddaba waxaa lagama maarmaan ah in al helo xal looga hor tago kooxdatan (Keligood Muslim) ee dhaqanka xun. Waxa ay innagu
nala tahay in uu xalku yahay sida soo socota: -
1. Marka ay dhalato dowlad Qaran ee loo dhan yahay hadduu Alle idmo, waxaa lagama maarmaan ah in la sameeyo Wasaaradda
Arrimaha Diinta iyo Awqaafta.
2. In masaajidyada dalka oo dhan la hoos keeno maamul ahaan Wasaaradda Arrimaha Diinta iyo Awqaafta.
3. In mu’adiniinta, imaamyada iyo khadiibyada ee duruusta diiniga ka jeedinaya masaaajidyada ay noqdaan culimada
Shaaficiyada ee Soomaaliya (Axkaamley).
4. In aan la arag masjid ay Itixaadku maamulaan.
5. In machadyada diiniga ah ee Itixaadku ka sameeyeen gobollada dalka la qarameeyo, iyada oo lagu wareejinayo Wasaaradaha
Arrimaha Diinta iyo Waxbarashada.
6. In laga ilaaliyo (Itixaadka) in ay qabtaan jagooyinka sare sare ee hay’daha dowaladda.
7. In laga ilaaliyo in ay macallimiin ka noqdaan dugsiyada asaasiga, kuwa sare iyo jaamicadaha dalka, si ayan dhaqan xumidooda
ugu gudbin ubadka iyo ummadda Soomaaliyeed.
8. In laga ilaaliyo in ay ka mid noqdaan ciidanka qaranka.
9. In aan loo ogolaan in loo diiwaan geliyo xisbigooda ama ay ka mid noqdaan xisbiyada kale ee dalka.
10. In idaacadda iyo TV-ga dalka ay culimada Shaaficiyadu (Axkaamleyda) ka wacyi geliyaan shacabka Soomaaliyeed, ugana
digaan ummadda dhaqan xumida Itixaadka (Keligood Muslimka).
F.G: Dadka ina siiyey warbixinnada inoo suurtageliyey ururinta cilmibaaritaankaan waxay naga codsadeen ineynaan magacyadooda
sheegin, sidaa aawadeed waxaynu adeegsanney sida nin, qof, ama saaxiibkey wuxuu yiri IWM.
Waxaa si wadajir ah u soo diyaariyey warbixintan iyo talooyinkan:-
(1).Mohamed muse shiiq (shankar)
(2).Preity zint (preity somali)